Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal

Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal

by Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey
Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal

Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal

by Maxamed Xaashi Cabdi Carrabey

Hardcover

$39.95 
  • SHIP THIS ITEM
    Qualifies for Free Shipping
  • PICK UP IN STORE
    Check Availability at Nearby Stores

Related collections and offers


Overview

Galmudug waxay ku taalaa bartamaha Soomaaliya waxaana dega dhamaan qabaa'ilka Soomaalida. Laga soo billaabo sanadkii 2007-dii, markaan ku soo biiray Siyaasadda Soomaaliya ilaa iyo bartamihii 2020 ka, waxaan ka shaqeeyay ee dhinaca siyaasadda, si Xogogaal ahaan ah baan buuggan ku falanqeyni. Sidoo kale buugga waxaa ku xusan dagaalladii sokeeye, shirarkii dib-u-heshiisiinta, ururdiimeedyadii dowladihii ku-meelgaarka ahaa ee ay kala hoggaaminayeen madaxweynayaashii kala duwanaa sida; Cabdiqaasim Salaad Xasan, Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud, Maamulladii kale oo dalka ka jiray iyo Urur Diimeedyadii jiray waqtiyadaas.

Waxaa si faahfaahsan buuggu u falanqeyn taariikhda Gobollada Dhexe, Maamulka Bartamaha Soomaaliya iyo sidii uu ku yimid, Caqabadaha uu la kulmay. Qeybta ugu balaaran ee buugga waa dhismihii Galmudug, guddiyadii shaqooyinka ay soo qabteen, Galmudugtii hore, Ximin iyo Xeeb iyo Maamulladii kale oo jiray. Sidoo kale Galmudug sidii ay u dhisantay, sababihii keenay ilaa iyo doorashadii Madaxweyne Xaaf iyo doorkii dowlada Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Xaashi Cabdi "Carrabey" waa aqoonyahan, siyaasi, barre, ganacsade, aabbe ku dhashay magaalada Beled Xaawo 1972-dii, deganaa wixii ka danbeeyay 1991 wadamo kala duwan. Waxbarashadiisii hore waxay aheed Soomaaliya. Wuxuu ka qalanjabiyay Northampton University BA Daraasaadka Warbaahinta; Northampton University MA Xiriirka Caalamiga; Robert Gordon University MBA Maamulka Saliidda iyo Gaaska; oo ah kuligood Ingiriiska. Madaxweyne ku Xigeenka Dawlad-Goboleedka Galmudug (2015-2020). Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta (2020-). Wuxuu ku hadlaa afaf kala duwan sida Soomaaliga, Ingiriiska, Hollandiiska, iyo Carabiga. Wuxuu qoray oo la daabacay: Dhisiddii Maamulka Gobollada Dhexe iyo Dawladgoboleedka Galmudug: Xogogaal (Looh Press 2024). Mudane Maxamed X. Cabdi Carrabey waa aabbe xaasle ah lehna 12 caruur. .


Product Details

ISBN-13: 9781912411825
Publisher: Looh Press Ltd
Publication date: 04/30/2024
Pages: 308
Product dimensions: 6.69(w) x 9.61(h) x 0.75(d)
Language: Somali
From the B&N Reads Blog

Customer Reviews